Afar Arimood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur magaalada Shabaab laga qabsaday galabta

Afar Arimood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur magaalada Shabaab laga qabsaday galabta

Ceelbuur

XIGASHADA SAWIRKA,.

Degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur ee gobolka Galagaduud waxa qabsaday ciidamada dawladda oo ay taageerayaan miliishiyooyinka qabaa’ilka iyo saaxiibada caalamiga ah kaddib markii muddo todobaadyo ah ay ku sii dhawaanayeen. Xooggaga Alshabaab oo magaalada maamulayay tan iyo 2017-kii ayaa isaga cararray.

Degmada Ceelbuur waa degmo qadiimi ah, waxay taariikhyahanadu rumeysan yihiin in la aasaasay qarnigii 13-aad, waxayna mar xarun ganacsi u ahayd saldanadii Ajuuraan ee xukumaysay dhul ballaaran oo Soomaaliya ah.

Haddaba aan eegno afar waxyaabood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur.

Kacdoonkii Gumeysi Diidka

Ceelbuur waxay mar saldhig wayn u ahayd gumeysigii taliyaaniga ee gacanta ku hayay koonfurta Soomaaliya dhammaadkii qarnigii 18-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad, markaas oo degmo ahaan loo aqoonsaday, waxana dhawr jeer ku dagaalamay ciidamadii gumeysiga iyo kuwii gobanimo doonka ee uu hoggaaminayay Sheekh Xasan Barsane.

Kacdoonnada gumeysi diidka ah ee ay caanka ku noqotay Ceelbuur, waxay markii dambe keeneen in lagu dilo gudoomiyihii isticmaarka taliyaaniga u qaabilsanaa degmada Franco Carolei, kaas oo dilkiisa lagu eedeeyay dhalinyaro kamid ahayd kuwii kacdoonka waday.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan daraaseeya taariikhda Soomaalida ayaa sheegaya in taariikhda gumeysi diidka ee Ceelbuur la wada maqlay markii la dilay ninkii taliyaaniga wakiilka uga ahaa. “Magaaladu waxay taariikh weyn yeelatay oo magaceeduna shaacay, gumeysiga taliyaanigana ay aad u gashay markii la dilay nin gudoomiye ka ahaa degmada markii uu kacdoon taliyaani diid ahaa uu ka dhacay, labaatameeyadii bilowgeedii, taliyaaniga waxay u ahayd magaalo muhima oo xitaa duulaan kii uu Itoobiya ku qaaday meelihii uu ka abuulay ayay kamid ahayd” ayuu yiri Ingiriis.



Ceelbuur

XIGASHADA SAWIRKA,.

Degmadii ugu horreysay ee gabadh ay iska sharaxdo

Doorashooyinkii Soomaaliya 1969 kii degmada Ceelbuur waxay noqotay magaaladii ugu horreysay ee taariikhda Soomaalida ay gabadh iska sharaxdo, iyadoo u tartamaysa kursi Barlamaan. Gabadhaas oo la oran jiray Allaha u naxariistee Xaawo Cawaale Abtidoon (Xaawo Yareey), waana looga adkaaday tartankii doorashada, waxaysa taariikh u dhigtay dalal badan oo afrikaana oo xiligaa aanay gabdhuhu siyaasadda gali jirin ama aan loo ogoleyn.

Xildhibaan hore Caasha Xaaji Cilmi una ol’oleysa arimaha haweenka ayaa rumeysan in is sharixidii Xaawo Cawaale Abtidoon, iska sharaxday Ceelbuur uu ahaa kacaan horseeday in dumarka Soomaalidu ay ku dhiiradaan in ay siyaasadda galaan.

“Dhagax bay jabisay, wax laga baqayo oo ah dhaqankii jiray ayay jabisay, waxay noo ahayd oo aan oran karaa, wuxuu ahaa kacaan cusub oo u curtay haweenka, xiliguna wuxuu ahaa mid tacliintu yar tahay, dhaqan kuna aad u adag yahay, sidaas oo ay tahayna way ku dhiiratay in ay is sharaxdo wallow looga adkaaday doorashada”. Ayay tiri Caasho Caaji Cilmi

Degmada Ceelbuur waxa kaloo gudoomiyayaal ka soo noqday rag caana oo uu kamid ahaa safiirkii hore ee Soomaaliya u joogi jiray Ugandha iyo Kenya todobaatanaad kii Xuseen Cali Ducaale.

Ceelbuur waxay mar saldhig siyaasadeed u ahayd xisbigii leegada ee SYL.

burjikada Ceelbuur

XIGASHADA SAWIRKA,.

Dhagax dhoobada cad ee laga sameeyo Burjikada

Ceelbuur waxay hodan ku tahay dhagaxa dhoobada cad ee laga farsameeyo burjikada wax lagu karsado iyo idinka fooxa lagu shito. In kastoo aanay yeelan warshad lagu farsameeyo dhagax dhoobada, haddana farsamada gacanta ee dadka deegaanka ayaa keentay in alaabbaha laga sameeyo dhagax dhoobada cad loo iib geeyo deegaannada kale ee dhulka Soomaalida. Khubarada dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa rumeysan haddii si saxa looga faa’ideysan lahaa farsamada dhagaxaas in dalal badan suuq looga heli lahaa si loogu dhoofiyo.

Dhagax dhoobada cad oo si farshaxan leh loo farsameeyay loona xardhay ayaa illaa maanta suuqyada qaar lagu iibiyaa, in kastoo sidii uu bari ahaan jiran aan loo soo saarin ama aan loo iibsan, oo ay suuqyada soo galeen qalab kale oo wax lagu karsado ama fooxa iyo uunsiga lagu shito.

Sidoo oo kale colaaddihii sokeeye iyo qabsashadii kooxda Alshabaab ee Ceelbuur waxay hoos u dhigtay wax soosaarka burjikada ee degmada.

“Dhagaxii burjidaka wuu shaqaynayay in kastoo kooxdan ay ku dhibaataysay dad kii ka shaqaysan jiray, wax soosaar kiisii waa yaraaday, laakiin dhagixii waa sidiisii, waxana rajaynayaa maadama hadda kooxda Alshabaab laga saaray in la bilaabi doono wax soo saarkiisa” ayuu yiri Nuur Xasan Gutaale oo mar gudoomiye ka soo noqday degmada Ceelbuur.

Geedka caanka ah ee Ceelbuur yaale

Gumeysigii taliyaaniga ee yimid Ceelbuur waxyaabihii la mahdiyay ee laga dhaxlay waxa kamid ahaa dhirta uu deegaanka ku beeray.

Geedka Ceelbuur ku yaal, waa geed harac weyn oo sida yaaqa u balaaran, waxana la sheegaa in uu gaar ku yahay degmada Ceelbuur, waana astaanta dad badan ay ku gartaan marka ay magaalada galayaan.

Comments

Popular posts from this blog

Waa kuma Feysal Bootaan, taliyihii guutada 12-aad ee Somaliland ee ay gacanta ku dhigeen SSC?

Imaanshihii ciidanka Somaliland