Sidee ku galeen ciidamada SSC xerada Goojacade?
-Xogtaan waxaan ka soo xiganay goobjoogayaal iyo xubno ka tirsan SSC-
Salaada subax horteed ayaa ciidmada SSC rasaas ka dhex bilaabeen ciidamada Somaliland ee ku sugnaa aagga Maraaga oo magaalada laascaanood dhinaca bari ka xigta, wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood.
Sida uu ii sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka goobta galay oo codsaday inaan magiciisa la shaacin waxaa uu sheegay in qaab xeeladaysan ay ciidanka halkaas ku sugnaa ula dagaalameen.
"Waxay haleeli waayeen in ay fuulaan gaadiidka qoryuhu saaran yihiin, mid waliba halkii ku beegnayd ayuu u dhaqaaqay" ayuu yiri isagoo intaas ku daray in wax ka yar 45 daqiiqo ay kula wareegeen goobtaasi.
Goobtan oo ah halka laga illaaliyo Goojacade oo ah taliska guud ee ciidamada Somaliland oo halkaasi u jira wax ka yar 2KM.
waxaa uu dagaalka goojacade u gudbay markii ay saacadu ahayd 8:45 daqiiqo xilliga Soomaaliya, halkaasi oo ay islamarkiiba la wareegeen.
Saraakiisha SSC ayaa waxay sheegeen in aysan marnaba ku riyoon in ay si fudud ula wareegi doonaan saldhigga Goojacade oo muddo dhowr bilood ah ay gaari waayeen.
Wixii xiligaa ka dambeeyay waxaa abuurmay jahwareer xooggan waxayna ciidamada Somaliland u kala carareen jihooyiin kala duwan.
"Waxaa laga qabsaday Maraaga, Goojacade, Dhuxun, Xargega, Golayeedhay, Canjiid, Adhicadeeye, Samakaab, Yagoori, Wadhake iyo Guumays oo dhamaantood ay saldhiyo ciidan ku lahaayeen" sidaa waxa noo sheegay Cabdilqaadir Abshir Xaaji Diireye oo ka mid ah Golaha 45ta ah ee SSC.
Cabdilqaadir waxa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin madaafiic, PM21, Kaarayaal, Beebeeyall iyo kuwa lidka diyaaradaha. Balse sheegashadaas BBC ma xaqiijin karto.
Ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay maxaabiis qaarkood ay dhaawac yihiin, waxayna sarakiisha sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmi doono.
Cabdilqaadir Abshir Xaaji Diiriye waxuu cadeeyey in maxaabiista la qabtay uu ka mid yahay Janaraal Faysal Cabdi Bootaan oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee hogaaminaysay howlgalada Somaliland ee Laascaanood. Tirada maxaabiista ayuu sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan ayna xuquuqda ilaalin doonaan, kuwa dhaawac ahna ay daweynayaan.
"Waxaa hada noo muuqata Oog, ma jirto wax naga hortaagan ma doonayno inaan dadka shacabka aan qixino oo madaafiic la dhacno" ayuu yiri Firdhiye isagoo ciidanka ku amray in ammaanka xadkooda ay sugaan oo magaalooyinka ka soo baxaan.
Magaalada Laascaanood oo mudo 8 bilood ah bulshadii ku noolayd ay barakac ku yihiin degaano kala duwan ayaa isla galabta laga dareemayaa gaadiid badan oo ku soo qulqulaya iyadoo cabsi xoogleh ay ka taagan tahay kumanaan qumucyo ah oo aan qarxin oo dhulka ku duugan
@Elman Arshe
Comments
Post a Comment