Waa kuma Feysal Bootaan, taliyihii guutada 12-aad ee Somaliland ee ay gacanta ku dhigeen SSC?
Waa kuma Feysal Bootaan, taliyihii guutada 12-aad ee Somaliland ee ay gacanta ku dhigeen SSC?
Faysal Cabdi Bootaan, waa sarkaal ruugcadaa ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland, taliyena u ah guutada 12 aad ee ciidamada ciidamada Somaliland kuwaas oo badankood ku su gnaayeen xerada Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood.
Dagaal culus oo saaka ka dhacay xerada oo markii dambe sababay inay la wareegaan ciidamada SSC ayaa lagu qabtay sida ay muujinayaan sawirro lagu soo bandhigay baraha bulshada. Sidoo kale SSC ayaa u xaqiijisay BBC inay gacanta ku dhigeen.
Feysal wuxuu sanadihii kun sagaal boqol iyo lixdameeyadii ku dhashay gobolka Togdheer ee Somaliland, isaga oo markii nin weyn noqday u wareegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ka noqday ardey wax ka barta.
Bilowgii sideetameeyadii ayuu ku biiray barnaamijkii Shaqo Qaran ee xukuumaddii kacaanka ee Soomaaliya, kadib markii uu dhameystay waxbarashidiisii dugsiga sare.
Isla sideetamaadkii ayuu ka mid noqday dhallinyaro aan la dhicin nidmaankii dawladda kacaanka, isaga oo noqday jabhad.
Markii la aasaasay jabhadii SNM, Feysal wuxuu kamid noqday ciidmadii jabhadda. Waxaa la sheegaa inay wehliyeen xilligaas wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo kamid ahaa saraakiishii isla xilligaas ku biiray SNM.
Kadib dhismihii Somaliland Feysal wuxuu shaqo wayn ka qabtay dhinaca ciidanka. Isaga oo wax ka hugaamiyay ciidamada Somaliland.
Darajada kabtanimo ayaa waxaa siiyay madaxwenihii hore Somaliland, xilli la dalcsiinayay saraakiil shaqo muhiim la sheegay inay u qabteen Somaliland.
Comments
Post a Comment