Posts

Showing posts from August, 2023

Afar Arimood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur magaalada Shabaab laga qabsaday galabta

Image
Afar Arimood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur magaalada Shabaab laga qabsaday galabta XIGASHADA SAWIRKA, . 6 Saacadood ka hor Degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur ee gobolka Galagaduud waxa qabsaday ciidamada dawladda oo ay taageerayaan miliishiyooyinka qabaa’ilka iyo saaxiibada caalamiga ah kaddib markii muddo todobaadyo ah ay ku sii dhawaanayeen. Xooggaga Alshabaab oo magaalada maamulayay tan iyo 2017-kii ayaa isaga cararray. Degmada Ceelbuur waa degmo qadiimi ah, waxay taariikhyahanadu rumeysan yihiin in la aasaasay qarnigii 13-aad, waxayna mar xarun ganacsi u ahayd saldanadii Ajuuraan ee xukumaysay dhul ballaaran oo Soomaaliya ah. Haddaba aan eegno afar waxyaabood oo ay caan ku noqotay Ceelbuur. Kacdoonkii Gumeysi Diidka Ceelbuur waxay mar saldhig wayn u ahayd gumeysigii taliyaaniga ee gacanta ku hayay koonfurta Soomaaliya dhammaadkii qarnigii 18-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad, markaas oo degmo ahaan loo aqoonsaday, waxana dhawr jeer ku dagaalamay ciidamadii gumeysiga iyo kuwii goban...

Imaanshihii ciidanka Somaliland

Image
Imaanshihii ciidanka Somaliland Taariikhdu markii ay ahayd 15 Oktoobar 2007dii ayay ciidamada Somaliland ka saareen magaalada Laascaanood kuwii Puntland, mana aysan soo gelin magaalada ee waxa ay ka wareegeen jihada waqooyi iyagoo laba goobood fadhiisin ka dhigtay, kuwaas oo kala ahaa Goojacade iyo Maraaga oo waddada Garoowe aadda ay marto. Goobtan aan ka hadlayno Somaliland uma aysan degin in ay difaac u noqoto iyo qaab qiimayn difaac balse waxa ay u degeen hadh ahaan maaddaama ay ahayd goobta keliya ee lahayd dhir, dhulka intiisa kalena beero loo baneeyey. Goojacadde 15 sano ma arag wax rabshad ah, colaadna loogama baqin, lamana qorshaysan in ay jirto cid isku soo qaadi karta oo aan dhinaca Puntland ahayn, iyagana difaacooda waxa uu u jirey 62km oo dhinaca bariga ee Godqaboobe iyo Tukaraq dhexdooda in kasta oo hal maalin ay ka soo guureen. Goojacadde waxa uu noqday saldhig weyn waxaa ka dhisan dhismayaal aad u badan oo ka kooban xafiisyo, guryo saraakiisha hoyaad u ah, goobo kaydadka...

Marar badan ayuu soo muuqday isaga oo maxaabiis haya.

Image
  Marar badan ayuu soo muuqday isaga oo maxaabiis haya Janaraal Feysal ayaa isaga oo ku sugan aagga Goojacadde marar kala duwan ka soo muuqday warbaahinta muuqaalka ah isaga oo gacanta ku haya maxaabiis ay Somaliland ku qabatay dagaalka Laascaanood. Muqaal uu baahiyay Telefishinka Qaranka Somaliland, 18 kii bishii Maarso ee sanadkaan ayaa ka soo muuqday Feysal isaga oo ka hadlay maxaabiis ay ku qabteen dagaal maalinkaas dhacay. "Ciidamada maanta aan haynaa, hadii la oran doono waa maryo-calas, waa ciidmadii daraawiishta ee Puntland" ayuu yiri Taliye Feysal oo goobta ay maxaabiistu ku sugnaayeen ka hadlay. Shan bilood kadib maanta ayuu gacanta u galay ciidamada SSC ee Laascaanood.

Muxuu ka qabanayay Goojacadde? Feysal Bootaan???

Image
 Muxuu ka qabanayay Goojacadde? Feysal Bootaan???   Kadib markii uu bilowday dagaalkii dadka deegaanka Laascaanood iyo Somaliland dabayaaqadii sanadkii hore ee 2022 kii, ayaa ciidamo dheeraad ah waxay Somaliland keentay aagga Laascaanood, kuwaas markii dambe saldhig ka dhigtay xerada Goojacadde. Feysal ayaa ah taliyaha guutada 12 aad ee ciidamada Somaliland , taas oo ahayd mida ugu badan ee ka dagaalameysay xerada. Wuxuu ahaa hugaamiyahaa inta badan dagaaladii Somaliland iyo dadka Laascaanood dhexmaray, isaga inta badann ka warbixin jiray halka uu dagaalku marayo iyo guulo ay Somaliland sheegatay marar badan inay dagaalka ka gaareen. Intuu socday dagaalka Laascaanood ayuu mar ku dhaawacmy dagaalka, balse maalin kadib ayuu warbaahinta la hadlay isaga sheegaya in wax sidaas u badan aysan soo gaarin

Waa kuma Feysal Bootaan, taliyihii guutada 12-aad ee Somaliland ee ay gacanta ku dhigeen SSC?

Image
  Waa kuma Feysal Bootaan, taliyihii guutada 12-aad ee Somaliland ee ay gacanta ku dhigeen SSC? Faysal Cabdi Bootaan, waa sarkaal ruugcadaa ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland, taliyena u ah guutada 12 aad ee ciidamada ciidamada Somaliland kuwaas oo badankood ku su gnaayeen xerada Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood. Dagaal culus oo saaka ka dhacay xerada oo markii dambe sababay inay la wareegaan ciidamada SSC ayaa lagu qabtay sida ay muujinayaan sawirro lagu soo bandhigay baraha bulshada. Sidoo kale SSC ayaa u xaqiijisay BBC inay gacanta ku dhigeen. Feysal wuxuu sanadihii kun sagaal boqol iyo lixdameeyadii ku dhashay gobolka Togdheer ee Somaliland, isaga oo markii nin weyn noqday u wareegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ka noqday ardey wax ka barta. Bilowgii sideetameeyadii ayuu ku biiray barnaamijkii Shaqo Qaran ee xukuumaddii kacaanka ee Soomaaliya, kadib markii uu dhameystay waxbarashidiisii dugsiga sare. Isla sideetamaadkii ayuu ka mid noqday dhalli...

Maxay tahay Xerada Goojacadde?

Image
  Xerada Goojacade waxay badhtama magaalada Laascaanood u jirtaa 8 km, iyadoo kaga aaddan jihada waqooyi bari, inkasta oo haatan dhismayaal teelteel ahi ay gaadheen aaggaas. Warshadda biyaha sifaysa ee Nugaal iyo ta kale ee Saafi ayaa ka mid ah dhismayaasha deriska la noqday Goojacadde kuwaas oo gebi ahaanba iminka hawlgab ah. Xeradaas waxay ahaan jirtay halkii magaalada Laascaanood ay biyaha ka heli jirtay, waxaana xilliyo kala duwan laga qoday ceelal riigag ah xilligii dawladdii kacaanka. Waxaa xiligaas ka samaysmay beero badan oo ay samaysteen dadkii wakhtigaas ugu ladnaa bulshada ku dhaqnayd Laascaanood oo ahayd mid kooban, waxaana sida la sheegay ay ka kaafisay khudaarta iyo qaybo ka mid ah geed midhoodka sida saytuunka iyo liinta. Sanadkii 1993dii ayaa markale hay'adda arrimaha bani'aadannimada ee caafimaadka ka shaqeysa ee MSF ay dib u habayn ku samaysay ceelashii, qaar cusubna ka qoday, iyadoo biyogelin ku samaysay magaalada Laascaanood oo burburkii xukuumadda uu raacay...

Sidee ku galeen ciidamada SSC xerada Goojacade?

  -Xogtaan waxaan ka soo xiganay goobjoogayaal iyo xubno ka tirsan SSC- Salaada subax horteed ayaa ciidmada SSC rasaas ka dhex bilaabeen ciidamada Somaliland ee ku sugnaa aagga Maraaga oo magaalada laascaanood dhinaca bari ka xigta, wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood. Sida uu ii sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka goobta galay oo codsaday inaan magiciisa la shaacin waxaa uu sheegay in qaab xeeladaysan ay ciidanka halkaas ku sugnaa ula dagaalameen. "Waxay haleeli waayeen in ay fuulaan gaadiidka qoryuhu saaran yihiin, mid waliba halkii ku beegnayd ayuu u dhaqaaqay" ayuu yiri isagoo intaas ku daray in wax ka yar 45 daqiiqo ay kula wareegeen goobtaasi. Goobtan oo ah halka laga illaaliyo Goojacade oo ah taliska guud ee ciidamada Somaliland oo halkaasi u jira wax ka yar 2KM. waxaa uu dagaalka goojacade u gudbay markii ay saacadu ahayd 8:45 daqiiqo xilliga Soomaaliya, halkaasi oo ay islamarkiiba la wareegeen. Saraakiisha SSC ayaa waxay sheegeen in aysan marnaba ku riyoon in ay...

Qaabkii ay ciidamada SSC ula wareegeen xerada Goojacadde

Image
  Jamhuuriyada iskeed-madaxbanaanida ugu dhawaqday ee Somaliland ayaa sheegtay in ciidanka Soomaliland ay wadaan diyaargarow ay dib uga ala wareegayaaan fariisimihii ay ku lahaayeen Sool oo ay uga soo baxeen istiraatiijiyad ciidan awgeed, sida ay sheegeen. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliland ayaa lagu yiri, “Ciidanka Qaranku waxay ku jiraan dib-isku-habayn iyo diyaargaroow culus oo cadowga lagaga hortagayo.” Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan ciidamo ka lumay waddooyinkii loogu tala galay welina aan soo gaarin goobihi loogu talagalay.  @Elman Arshe